Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Cudurka uu soo gaarey Soomaaliya,isla markaana ay u dhinteen dad uu yaqaano,kuwaas oo aan dibadda ka imaan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar Filish in Cudurka Conavirus uu yahay mid halis ah oo si fudu la isku qaadsiin karo,hayeeshee shacabku ay yihiin kuwo qaba feejignaa xoogan,kuwaas oo sheegaya in aan waxba ka jirin.
“Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool in ay xoojiyaan ka hortaga cudurka Covid-19 oo dhibaata adag kuhaya nolasha iyo horumarka Caalamka,dad aan aqaano oo aan dibada ka imaan ayaa dalka gudihiisa ugu dhintey Cudurka oo la Aasay kuwana uu weli haayo ayuu yiri”Cumar Filish.
Hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadayaa xilli shalay la xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey Muqdisho uu Cudurka Coronavius ugu geeriyoodey.