Dad Shacab ah oo ku dhintay miino kula kacday Gobolka Shabeellaha Hoose.

0
550

Inta la xaqiijiyay shan qof oo shacab ah ayaa waxay ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Gobolkaaasi.

Wararka Mustaqbal ka helayso deegaanka Awdhiigle ayaa sheegaya in dadka miinu la kacday ay kasoo baxeen degaanka Lamber 60 ee isla gobolka Shabeellah hoose.

Dadka deegaanka  ayaa ku waramaya in saddex kamid ah dadka u dhintay dhacdadaas ay hareeraha wada ka heleen xubno kamid ah jirkooda.

Lama Xaqiiji karo dadka qaraxa ku dhintay in ay dumar yihiin iyo inkale hayeeshee dhacda lakulmeen dadka shacabk ah xilli ay ku lugaynayeen Wadada dhineecada.

“Lama xaqiijin wali hadii ay ku jiraan dumar. Balse, waxay Miinada la kacday iyagoo lugeynaya,” ayaa sarkaal u sheegay Mareegta Garowe Online.

Wadooyinka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ah halka ay inta badan Ciidanka Dowlada iyo AMISOM kala kulmaan qaraxyada lagu aaso wadada dhineceeda.

Warbixin shalay kasoo baxday hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa lagu sheegay in colaadaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya ay inta badan waxyeeladdu kasoo gaarto dadka shacab ah.

Dhinacyadda hubeysan ee iska soo horjeeda ayaa la tilmaamay in aysan ahmiyad koowaad siinin badbaadinta rayidka aan hubka wadan.

Qaraxaan khasaaraha badan u geystay dadka shacabka ah ayaa kusoo aadaya xili Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen gobolka dhaqdhaqaaqyo ay kula wareegayaan guud ahaan gobolka Shabeellaha hoose.