Wararka laga helayo deegaanka ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in deegano kamid ah gobolkaas ay Maanta ka tagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Xuddun ee gobolka Sool.
Xiisadaas ayaa waxaa ay ka dambeysay,kadib markii Nin Shacab ahaa lagu diley agagaarka degmada Xuddun,kaidb markii Eehlada Ninka la diley ay dalbadeen in loo soo gacan geliyo Shaqsiga dilka geystay.
Dadka degmada Xuddun qaarkood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Xaafado ka tirsan degmada ay ku wada sugan yihiin maleeshiyad kasoo kala jeeda Ninka wax dilay iyo kana la diley,iyada oo laga cabsi inay dagaalamaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Odayaasha & waxgaradka degmada Xuddun ee gobolka Sool ay wadaan waan waan ku aadana sidii looga baaqsan lahaa dagaal dhex-mara labada maleeshiyo Beeleed.