Dad Loo Soo Qabtay Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Boosaaso

0
447

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa faah faahin ka bixiyay qarax Khasaaro geystay oo Habeenimadii xalay aheyd ka dhacay agagaarka hotelka Nakhiil ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas oo ahaa miino lagu aasay goob lagu shubo qashinka, isla markaana uu dhacay xili Ciidanka amniga ay ku jireen howlgalka Bandowga ah oo bilowda Salaada Maqrib kadib.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray dhowr qof oo shacab ah, kuwaasi oo u socday Xaafadahooda, maadaama weli lagu guda jiro maalmaha Bandowga ah ee Puntland kusoo rogtay Boosaaso iyo Magaalooyin kale.

Sidoo kale Taliska ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay xalay sameeyeen howlgalo kala duwan oo lagu soo qab qabtay dad looga shakiyay inay ka dameeyeen qaraxii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, iyagoo xusay in weli ay socdaan howlgalo kala duwan.

Qaraxii Boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 ruux oo shacab ah iyo hal Askari oo ka tirsan Ciidanka amniga Maamulka Puntland, kuwaasi oo lagu dabiibayo mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla halkaas.