Ciidamo la wareegey Ammaanka deegaano lagu dagaalamey

0
511

Ciidamo isugu jira,Boolis,Nabadsugid iyo Millateri ayaa la wareegay Ammaanka Guud ee deegaannada Balicade iyo Furinta-foore ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Ciidankaan oo uu hugaaminayo taliyaha Nabad sugida Qaranka qeybta Galmudug Mahdi Cumar Muumin ayaa kala dhex-galey maleeshiyaadka wada dagaalamey.

Waxaa uu sheegay Taliyaha inay halkaas kusii sugnaan doonaan inta xal laga gaarayo lana kala qaadayo labada Maleeshiyo Beeleed.

Sidoo kale deegaannada Balicade iyo Furinta-foore ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Maamulka Galmudug,kuwaas oo halkaasi ka bilaabey waan waan lagu xalinayo dagaal beeleedkaas.