Xassan Sheekh oo baaq kasoo saarey Colaad beeleedyada

0
441

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa ka hadley dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaannada duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose & degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan sheekh ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Hoggaamiyeyaasha kasoo jeeda deegaannada lagu dagaalamayo inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyadaas.

“Hoggaamiyayaasha, odayaasha beelaha iyo guud ahaan dadweynaha reer Jubbaland iyo Koonfurgalbeed waxaan ugu baaqayaa iney u guntadaan joojinta colaadda ka dhex taagan walaalaha dagaalamaya ee degaannadooda ayuu yiri”Xasan Sheekh.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn aysan ka dhalaneyn dagaal beeleedyada,isla markaana loo baahan yahay in loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta.

Dagaal beeleedyadaii ka dhacey deegaannada duleedka Galbeed kaga beegan Kismaayo iyo degmada Walanweyn ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sababeen dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale.