Somaliland oo joojisay Diyaaraddaha Fly Dubai Iyo Al Arabiya

0
474

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aanay ka soo degi karin garoomada Somaliland.

Warqad qoraal ah oo loo diray shirkadahan ayaa loogu sheegay in laga joojiyay Isticmaalka Garoomada Somaliland.

Sababta looga joojiyay Xukuumaddu ma caddayn laakiin warar qaar ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya.

Waddanka Imaraadka Carabta oo labadan shirkadoodba laga leeyahay ayaa iyagu joojiyay dhammaan Diyaaradaha Rakaabka. Waxa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline weli aanay joojin rakaabka ay keento kana qaado Hargeysa.