Dooni urarnayd Ganacsato kasoo Jeeda galmudug ayaa maanta kusoo xiratay magaala Xeebeedka hobyo ee Gobolka mudug
Doontan ayaa siday maciishad ubadnayd Raashin taa oo maalmo kahor kasoo shiraacatay wadamada qaliijka waxaana ay sinabad ah kusoo gaartay bartilmaameedkii ahaa in ay kuxirato xeebta magaalada Hobyo Ee Gobolka mudug
Safarkan ma ahan kii ugu horeeyay ee kasoo daga magaala xeebeedka hobyo
Balse wuxuu kusoo aadayaa xili deegaanada galmudug uu kadhacay isbadal maamul maadama aanay maamuladii iyo madaxdii hore aysan ku guulaysan dhismaha dakada magaalada hobyo
Sidoo kale maciishadan ayaa xeebaha galmudug soogaartay xili dhawaan maamulka uu madaxwaynaha kayahay Qoor qoor uu soobandhigay habka loo dhisayo dakada maamulka Galmudug ee Hobyo