Trump oo soo rogay Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca ee uu Maraykanka adeegsan jiray dagaalkii Kuuriya

0
463

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku amray shirkadda General Motors (GM) inay qalabka neefsashada u sameyso bukaannada la ildaran xanuunka Covid-19 oo kusii faafaya dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa soo rogay Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca ee uu Maraykanka adeegsan jiray xilligii dagaalkii Kuuriya, kaasoo awood u siinaya inuu shirkadaha ku qasbo inay qalab u saameeyaan difaaca qaranka.

Trump ayaa sheegay in shirkadda GM “ay waqti luminayso” loona baahan yahay in la badbaadiyo noolasha dadka Maraykanka ah.

Maraykanka ayaa laga helay kiisaska ugu badan ee dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka uu keeno fayraska Corona caalamka oo dhan.

Trump ayaa horay u sheegay in aan loo baahaneyn amarkan, maadaama shirkadaha ay si khiyaarkood ah uga qeyb qaadanayaan la dagaallanka cudurka oo hadda ku dhacay in ka badan 100,000 oo qof oo Maraykan ah.