Soomaaliland oo lagu karaan tiilay in kabadan 10 Ruux oo looga shakiyay covid19

0
421

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa la wareegtey ilaa ku dhawaad 16 qof oo looga shakiyay cudurka Coronavires,kuwaas oo Diyaaradda Itoobiya Airline ay kasoo dejisey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee MagaaladaHargeysa.

Dadkaan ayaa lagu daabulay gaadiidka Ambalaasta ee Wasaarada caafimaadka Somaliland ku diyaarisay garoonka diyaaradaha Hargeysa,iyada oo lamarinayo marxalada labaad ee karantiilka oo qaadan karta mudo 14 cisho ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland.

Dadkaan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa waxaa ay ka yimaadeen wadamada Mareykanka Iyo Ingiriiska,waxaana ay saarnaayeen diyaarada Ethopian Airline duulimaadkeedii duhurkii maadaama muddo laba maalmood ah la fasaxey duulimaadyada Caalamiga ah.

Majiro wax War ah oo kasoo baxay ilaa iyo hadda Guddiga heer qaran ee hawshan loo xil saaray,hayeeshee waxaa weli Garoonka Hargeysa ka socda howlo baaritaano ah.