Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtey Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
411

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo ka wadeen duleedka deegaanka Janaale oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtey Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaas oo Magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suleyt oo loo yaqaano (Xasan Ganeey).

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/guuto Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo kusugan degaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Sarkaalkaan ay Ciidanka kasoo qabteen Janaale isagoo ku dhuumaaleeysanaya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka ,isla markaana taasi ay suurtagelisay inay ku guuleystaan Amniga deegaanka Janaale iyo deegaano kale oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku saabsan Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu sheegay in la qabtey Madaxii amnyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.