Wada-hadallo u socdo Wasiirada Federaalka & Madaxda Puntland

0
456

Saacadihii la soo dhaafay waxaa wada-hadallo xasaasi ah ay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dhexmareen Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ee dhawaan halkaasi tegay iyo Madaxda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Wada-hadalladaan oo ay qeyb ka yihiin Waxgarad ka tirsan Puntland ayaa ka dambeeyey,kadib markii Xubnaha Golaha Wasiirada Somaaliya ee saluugeen qodobo kamid ah Warmurtiyeedkii laga soo saarey Shirkii Wadatashiga Puntland oo ay uga qeyb-galeyn Garoowe,waxaana wada-hadallada ka socda Garoowe kasoo baxaya Warar kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Axmed ciise Cawad ayaa horkacaya Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in kulanka labada dhinac uu dhaliyey isku soo dhawaansho ee Madaxda Puntland iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda ay labada dhinac soo saari doonaan War-Saxaafadeed wadajir,kaas o ay ku shaacinayaan in uu jiro isku soo dhawaansho labada dhinac ah,iyada oo Golaha wasiirada ay Wakiil ka yihiin Madaxda Dowladda Federaalka.

Xubnaha Golaha Wasiirada ka socda ee Dowladda Federaalka oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii la soo geba-gabeeyey shrkii Garoowe,waxaa ay yeelanayeen kulamo kala duwan oo ay uga hadlayaan qodobada ay ka saluugsan yihiin Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Garoowe.