Maxey tahay u jeedka loo qabanayo Shirka Garoowe?

0
515

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shirweynaha wadatashiga Puntland,kaas oo 8-dii Bishii la so dhaafay Febaraayo uu iclaamiyey Madaxweynaha Puntland.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada & Xildhibaannada labada Gole ee ku matalaya Dowladda Federaalka,inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.Odayaal & Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey,walow ay jiraan Wasiiro iyo Xubno kale oo ka tirsan dowladda oo Shirkaasi ka qeyb-galeyn.

Hadaba maxay tahay u jeedka shirkaas ay xilligaan Puntland u qabatay iyo waxyaabah ugu muhiimsan ee looga hadli doono,waxaana sharaxaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.