Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan Guddoomiyaha guddiga Arrimaha Bulshada iyo Habdhowrka golaha ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanadan iyo guddoonkooda uu warbixin kooban ka siiyay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Golayaasha xeer dejinta Dalka.
Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaanadda ka socday Galmudug iyo Hirshabeele oo ay hogaaminayaan guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Faaduma Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ ayaa ugu horeyn kormeeray dhamaan xafiisyada xarunta Villa Hargeysa oo ay ku jiraan xafiisyada guddiyada Golaha Shacabka.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Faaduma Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ oo la hadlay warbaahinta ayaa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka uga mahad celiyay soo dhoweyntiisa iyo sidoo kale kormeerka ay ku sameeyeen Xarumaha iyo xafiisyada golaha shacabka.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu diyaar u yahay in kor loo qaado aqoonta iyo tayada xildhibaanada Dowlad goboleedyada sidoo kalena ay muhiim tahay wada shaqeynta golayaasha xeer dejinta Dalka,wuxuuna dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ilaaliyaan qoondada Dumarka ee Baarlamaanadooda.