Duqa Burco “Lamaanne kasta oo is mehersadda oo reer Togdheer ah waa in ay geed beerraan”

0
538

Duqa magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa uu Lamaanne kasta oo is calmadda u soo jeeddiyay inay hal geed ka beerraan mid ka midda Jidadka dhaadheer ee gobolkaas.

Maayar Muraad waxa uu balan-qaadday inay ka dawlad hoose ahaan waraabin doonnaan geedkaas oo ay Masuuliyaddiisa qaaddayaan, waxaannu sheegay in haddii talaabaddaas reer Burco fulliyaan ay wax ka tarrayso bilicda iyo quruxda deegaanka, isla markaanna waxa uu tilmaamay Xasannaadka ku jira hal geed oo aad beerto Aakhirro iyo adduun-ba.

“Lamaanne kasta oo is mehersadda oo reer Togdheer ah waa innuu geed ka beerraa jidkaas dheer ee tiitaanik iyo jidka xagga Garoowe u kaca. Saddex arrimoodba waad ka arki doontaa mid weeyaanne nasiibkaaga bal sida geedkaasi u baxo waad arki doontaa, ta labaadna Illaahay agtiisa Xasannaad ayaad ka heli doontaa, midda saddexaadna bilicdii gobolkaaga ayaad ka qayb-qaadanaysaa.” ayuu yiri duqa Burca.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Geedkaas waraabintiisa dawladda hoose ayaa leh adigu shuqul kuma lihid. Waa xasuus iyo taariikh jacayl oo Inankaaga ayaa markuu waynaaddo odhan doonna geedkaas Hooyadday iyo Aabbahay ayaa beerray.”