Dhaxal sugaha Sacuudiga oo xiray xubno ka mid ah Qoyska Boqortooyada

0
475

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salmaan (MBS) ayaa xirey seddex xubnood oo sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sidda ay shaacisay Warbaahinta.

Wargayska Wall Street Journal iyo New York Times ayaa sheegay in Amiir Ahmed bin Abdulaziz, boqor Salman walaalkiis ka yar iyo Amiir Mohammed bin Nayef, oo ah wiilka uu adeerka u yahay boqorka, la qabtay horaantii Jimcihi.

Faahfaahinta eedeymaha loo heysto ayaa wali la shaacin, laakiin labada boqor ee Sacuudiga waxaa lagu eedeeyay khiyaano.

Dhaxal sugaha ayaa sheegay in ay waji doonaan xabsi daa’in ama dil,maadaama ay ku kaceen qiyaano Qaran.

Maamulka Sacuudiga ayaa sidoo kale xirey Nayef walaalkiis ka yar, Amiir Nawaf bin Nayef.

Tallaabadan uu qaaday Dhaxal sugaha  ayaa timid wax ka badan laba sano kadib markii boqolaal ganacsato Sacuudiga ah iyo ugu yaraan 11 amiir Sacudi Carabiya lagu xiray eedeymo la xiriira musuq-maasuq.