SAWIRO:-Madaxweynaha Galmudug oo sameeyey kormeer Amni

0
474

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay socod ku marey Goobaha ay isugu tagaan bulshada Caasimada Dhuusamareeb, isla markaana ka dhageystay talooyin muhiim ah oo ku aadan dhismaha Galmudug.

Sidoo kale, waxa uu u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada isagoo ka dukaameystay mid kamid ah xarumaha ganacsi,sida lagu sheegay War kaso baxay Madaxtooyada Galmudug.

Tallaabadaan uu qaadey Madaxweynaha Galmudug ayaa timid Maalin kadib markii uu sheegay in uu ku guuleystay xalinta qeyb kamid ah caqabadihii heystay Maamulkiisa oo ahaa dadkii diidanaa doorashadii uu kusoo baxay ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug,Maamulka degmada iyo mas’uuliyiin kale.