Isgaarsiintii Mandheera Oo Hawada Ka Maqan Iyo Xaalad Cakiran Oo Ka Jirta

0
476

Waxaa xalay ilaa iyo saaka hawada ka maqan Isgaarsiintii shirkadda Safaricom ay ka shaqeeyn jirtay Magaalada Mandheera Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in gudaha Mandheera ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland, kuwaasi oo galay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya, kadib markii dagaal xoogan maalin kahor ay la galeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Balad-xaawo.

Lama ogga sababta ka dambeysa in Isgaarsiinta Mandheera hawada laga saaro, iyadoona aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Shirkadda Safaricom ee ugu weyn Isgaarsiinta Kenya.

Weriye ku sugan Magaalada Mandheera oo ay BBC-da la hadashay ayaa waxaa uu u sheegay inay weli ay xiran yihiin iskuullada Waxbarashada ee halkaas ku yaalla, shacabkuna aysan ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii maalin kahor ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, iyadoona deegaanka ay jirto xaalad cakiran

Weli lama ogga halka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Jubbaland ee horkacayay Ciidamada ku sugnaa duleedka Balad-xaawo ee Gobolka Gedo gaar ahaan dhanka xuduudka, kuwaas oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeen Maxamuud Sayid iyo Wasiirka amniga Cabdirashiid Janan oo baxsad ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in  Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku hor fadhiyaan Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo maalin kahor uu dherxmaray dagaal xoogan oo geystya Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.