Ciidamada Puntland oo howlgal ku qabtey hub & dadkii watay

0
426

Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaas oo la sheegay in uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadaha ku teedsan Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Boolisku sheegeen in howlgalka lagu qabtey siddeed ruux oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay sidoo kale ku qabteen Hub ay kamid yihiin Bustoolado iyo Qoryo,sido kalena uu ka baxsadey Nin ay sheegeen in uu hoggaamiye u ahaa Sideeda ruux ee la qabtey.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay Magaalooyinka ugu amniga un deegaannada Puntland,waxaana mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto,Askar Mas’uuliyiin iyo dad kale.