Weli waxaa rasaas xoogan laga maqlayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha degmadaas,waxaana gubanaya Guryo ku yaalla degmada Beled-Xaawo.
Dadka degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sheegen in badi dadkii deganaa degmadaas ay horay u barakaceen halka qaarkood ay saacadihii la soo dhaafay barakaceen,xilli ay jirtay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Xaalada degmada Beled-Xaawo ayaa haatan ah mid kacsan,waxaana dagaalka ka socda duleedka degmadas siweyn looga dareemay Magaalada Xaduudka ku taalla ee Mandheera oo ka tirsan dalka Kenya.