Shir ka furmay Jowhar & Mas’uuliyiin ka qeyb galeysa

0
483

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maanta ka daahfurtay magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 100 qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalda Jowhar.

Kulankaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay iyadoo dirradda lasaarayo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida awood qaybsiga, maqaamka caasimadda, hannaanka cadaaladda, hannaanka maaliyadda, aminga
iyo khayraad wadaagga.