Senator C/Qeybdiid”Ciidamo ayaa la geeyey deegaano nabdoonaa Xamarna waa la socon la’yahay”

0
499

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka isbedelka loo baahan yahay oo uu sheegay inay kamid yihiin dhinaca doorashooyinka iyo Amniga.

Senator-ka ayaa Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal waxaa uu ku sheegay in Madaxda hadda joogta ay yihiin kuwo doorasho galaya laba midkoodna ay noqoneyso inay soo laabtaan ama doorashada looga adkaado,balse ay xaalada dalka u muuqato mid amni buuxa uusan ka jirin.

“Runtii aniga waxaan u arkaa in xilligaan dalka uu u baahan yahay isbedel Siyaasadeed,mid amni iyo mid doorasho,waayo iima muuqato waddo amniga lagu sugayo sababtoo ah dowladda deegaano amni ah ayay ciidamo geysay oo aan dhib kajirin ayuu yiri” Senator-ka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid in xilligaan aysan jirin baahi ay dowladda degmooyin ka tirsan gobolka Gedo u geyso Ciidamo,iyada oo la mari la’yahay degaannada ku yaalla duleedyada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.