Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Baarlamaanka Jabuuti

0
431

Xarunta Baaamaanka Wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhacay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay soo gaaray Dalkan Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud oo ugu horeyn Kulanka furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalkan Jabuuti ka hadlay ayaa faah faahiyay waxyaabihii Baarlamaanka Dalkan u qabsoomay kalfadhigii kan ka horeeeyay iyo howlaha kalfadhigan horyaala.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Eithiopia oo isna ka mid ahaa martidii furitaanka kalfadhigan lagu casuumay ayaa sheegay Inuu ku faraxsanahay Inuu goob joog ahaado furitaanka Kalfadhiga u furmay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Sidoo kalena waxa uu sheegay in ay Muhiim
Tahay wada shaqeynta Baarlamaanada Dalalka Jabuuti, Soomaaliya iyo Eithiopia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalkan Jabuuti ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Golaha ayaa Sidoo kale ka hadlay mas’uuliyadda ka saaran qofka Xildhibaanka ah dalkiisa guud ahaan gaar ahaan deegaanka laga soo doortay oo ay tahay Marka uu fasaxa galo Inuu u kuur galo xaaladaha deegaankiisa ka jira si Warbixinta uu kasoo diyaariyo uu dib ugu soo celiyo Golaha Baarlamaanka,Waxaana uu tilmaamay in horumarka dal walba uu ku xiranyahay sida dadkiisu ay uga faa’ideystaan waxa uu Alle ku maneystay iyo sidoo kale maareeynta
Kheyraadkooda.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kalfadhigii lasoo dhaafay ku guuleystay ansixinta shuruuc Dalka Muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharciga Doorashooyinka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixay.

Ugu dambeyn waxa aad u amaanay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti dadaaladeedii ku aadanaa horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo garab istaageeda isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Ciidanka Hiilwalaal ee qeybta howlgalka AMISOM, Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladoodana aysan weligood iloobi doonin Abaalkii ay u galeen walaalahooda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hiilka walaaltinimo ee Ciidanka Hiilwalaal, isagoo horumar kan kasii balaaran u rajeeyay Shacabka Jabuuti iyo Dowladooda.