Qorshe lagu soo qaadi rabay Madaxda Ahlusunna oo Fashilmay

0
511

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay iskudayday in diyaarad lagu soo qaado Madaxda Ahlusunna.

Taliyaha guutada 15 aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ka biyo diiday in Magaalada Dhuusamareeb laga qaado Madaxda Ahlusunna.Waxa sidoo kale si weyn uga soo horjeestay xubno waa weyn oo ka mid ah Ciidankii Ahlusunna ee horay dowladda ugu biiray.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uusan magaalada ku shaqeyn karin haddii aan laga saarin Madaxda Ahlusunna sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsam Galmudug.