Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay nasiib daro weyn dagaalkii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Xarumaha Ururka Ahlusunna ee degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira Shacab iyo Askarta labadii dhinac ee dagaallamaayay.
Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhamancad ayaa sheegay in Puntland ay ka xun tahay waxa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.
Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kula jirto dagaal Nidaamka faderaalka ah ee dalka qaatay, islamarkaana Puntland aysan u dulqaan doonin.
“Waa nasiib-darro in dowladda federaalka ahi xoog u adeegsato bur-burinta dowladihii qayb-ta ka ahaa nidaamka federaalka ee dalku qaatay, waa xoog sheegasho waxa ka dhacay Galmudug” ayuu yiri Wasiir Dhamancad.