Wasiir Goodax”Gobolka Banaadir waa in uu Maamul Goboleed noqdaa”

0
508

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed kuwa ugu badan ay muhiim tahay in Maamul u gaar ah in uu yeesho.

Waxaa uu sheegay in dalka uu yahay mid federaal ah,sidaas daraadeedna dadka ku nool Magaalada Muqdisho loo baahan yahay inay helaan Maamul u gaar ah Gobolka Banaadirna laga dhigo Maamul Goboleed.

“Mar hadii Magaaladaan ay tahay Rubac hadii aysan ka badneyn dadka Soomaliya oo dhan inay halkaan ku nool yihiin meesha kaliya ee laga aadi karo waa in maamul goboleed laga dhigaa waa halka kaliya ee loo socon karo ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Waxaa uu sheegay in tallaabadaas ay qaadi karaan Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho,iyaga oo kaashanaya Dowladda gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).