Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Waaxda dambi baarista ee dowladda Kenya ee CID-DA ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Ruux oo Soomaali ah,kuwaas oo kamid ahaa kuwa dadka tahriibiya.
Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyey Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi,waxaana labada qof ee Soomaalida lala qabtay 11 Ruux oo kamid ahaa dadka la tahriibinayay.
Ragga Soomaalida ah ee dadka tahriibinayay ee la qabtay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman,waxaana la filayaa in Maanta oo Isniin ah Maxkamad la soo taago.
Saraakiil ka tirsan Waaxda Hay’adda Dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la tahriibinayay ayaa da’dooda u dhaxeyso 23 ilaa iyo 30 sanno,isla markaana xilliga la qabanayay ay ku jireen qol ku yaalla State-ka Ushirika ee Xaafada Islii.