Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo hawlwadeeno ka tirsan GMDQ ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxwaynaha iyo Madaxwayna ku xigeenka maamulka Galmudug.
Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye ayaa Gudooomiyaha iyo wafdigeeda ku soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug, isagoo Guddiga ku amaanay hawlaha wacyigalinta bulshada ay u yimaadeen Dhuusamareeb.
Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xalay Guddoomiyaha iyo wafdigeeda casha sharaf ugu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha ayaa dhankeeda ka warbixisay hawlaha guddiga ee ku aaddan arimaha doorashada iyo sida uu guddiga ugu diyaargaroobay xaqiijinta doorasha qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Madaxwaynaha iyo Madaxwayna ku-xigeenka Galmudug ayaa ballan qaaday in maamulkooda uu si wanaagsan ola shaqayn doonaan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka kana taageeri doonaan hawl waliba uu guddiga kaga baahdo Maamulka.
Ugu danbayn Guddoomiye Xaliima Yareey ayaa Madaxda Cusub ee Galmudug mahadcelisay soo dhawaynta diirran ay u sameeyay guddiga oo maalmo kahor gaaray Magaalada Dhuusamareeb.