Dowladda Oo Si Deg-Deg Ugu Yeertay Safiirka Somalia Ee Suudan Iyo La-Taliye

0
504

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu yeertay Safiirka u jooga dalka Suudaan Maxamed Islaaq Ibraahim iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda inay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda  Cusmaan Maxamed Axmed, iyagoona lagu amray inay dalka ugu soo laaban muddo 4 maalmood oo ka bilaabaneysa 21-ka bishaan February 2020.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada Safiirka Soomaaliya ee Suudaan uu so KMG ah u sii wadi doono Axmed Ismaaciil Xuseen oo ah la-taliyaha labaad ee Safiirka.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Safiirka Suudaan u fadhiya dowlada Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf mudo soo jiitamayay oo ku salaysnaa howlaha Safaarada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cawad.