Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Amaro soo saartey

0
470

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro ku socda Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka,kaas oo la doonayo inay ku dhaqmaan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay soo saareen nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan (Online Database).

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadyaddii tagay la isticmaali jiray.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay la socodsiinaysaa dhammaan bahda waxbarashadda Oo ay ugu horeeyaan Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka.

In wasaaraddu soo saartay nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan(Online Database).