Dowladda Kenya ayaa shaacisey inay sirasmi ah ula wareegeyso Gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Casri ah,kuwaas oo loo waday dalal kamid ah kuwa Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.
Gaadiidkaan ayaa saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya waxaa ay sheegeen in si sharci darro ah la doonayay in loo gudbiyo,waxana Gaadiidkaas loo waday dalalka,Burundi, Koonfurta Sudan,Somalia,Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC.
Gaadiidkaan ayaa Ciidamada Kenya ku qabteen howlgal gaar ah oo ay sameeyeen sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay laamaha Ammaanka dalka Kenya, inkastoo aysan shaacin halka sida rasmiga ah howlgalka looga fuliyey.
Sidoo kale waxaa ay Boolisku shaaciyen inay xireen 37 Ruux oo ka dambeeyey in Gaadiidkaan si sharci darro ah kusoo geliyaan Gudaha dalka Kenya,kuwaas oo Maxkamad la horgeyn doono.
Ilaa iyo hadda macada sababta rasmiga ah oo ay Kenya ula wareegeyso Gaadiidkas,hayeeshee waxaa xusid mudan in horay ay ula waregtay una burburisay Gaadiid ay saarnaayen badeecooyin loo soo waday Soomaaliya.
Si kastaba Bishii Apriil ee sanadkii tegay ee 2019 ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay qabteen laba Gaari oo ah nooca Casriga ee dunida laga adeegsado,kuwaas oo la sheegay in laga soo xaday dalka Ingiriiska.