Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Ciidamo horleh geysay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,halkaas oo horey loo geeyey Boqolaal Askari.
Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee gorgor ayaa la xaqiijiyey in diyaarad ka qaadey Muqdisho ay geysay Beled-Xaawo,isla markaana ay soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ee u sugan degmadaas.
Qaar kamid ah Shacabka degmada Beled-Xaawo ayaa Risaala waxaa ay u shegeen in Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay Maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka Beled-Xaawo.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaas ay yihiin kuwo xaqiijinaya Amniga degmooyinka Gobolka Geo sidoo kalena lagu xureyn doono deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dowladda ayaa horay u geysay Ciidamo farabadan egmooyin ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana xusid mudan in duleedka Beled-Xaawo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan oo dowladda Soomaaliya ay baadi goobeyso.