Dhageyso:-Madaxweyne Deni oo faah faahiyay Shirkii uu kaga dhawaaqay Boosaaso

0
434

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu faah faahin Guud ka bixiyey Shirka wadatashiga Puntland,kaas oo uu horey u iclaamiyey,isla markaana la filayo in 15 Bisha Maarso uu qabsoomo.

Shirkaas oo lagu qabanayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa qorsuhu yahay in ay ka qeyb galaan saamileyda Siyaasada Puntland ,iyada oo looga hadli doono Arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada dalka iyo tan Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in Shirkaas looga hadli doono mustaqbalka iyo Masiirka Puntland iyo Guud ahaan tan dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in muhiimada ugu weyn ee kulankaasi uu yahay sidii si mideysan ay u wada Shaqeyn lahaayeen una adkeyn lahaayeen wadajirkooda dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Xaqiiqdii shirkaas si kale aya aloo fasiray,balse waxaan idin sheegayaa in looga hadli doono wax dan u ah dadka reer Puntland,deegaannada ka maqan iyo xaduudahood inay ka hadlaan iyo sidii looga guuri lahaa nidaamka 4.5 ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn waxaa uu hadalkiisa kusoo geba-gabeeyay Madaxweynaha Puntland in shirkaasi loo qabanayo dhamaan dadka Reer Puntland,isla markaana uu rajeynayo in wax muhiim ah ay kasoo baxaan.