Soomaaliland”Ma aqbaleyno in Farmaajo yimaado Hargeysa”

0
512

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu tagayo Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in arrinkaasi uu Soomaalland cadaadis iyo codsiyo dhowr ah uu so jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,isla markaana oo ka codsaday inay labada yimaadaan Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliland diidey in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeysa,hayeeshee tira laba jeer ah uu codsigaas u soo gudbiyey Ra’iisul Wasaare abiy Axmed.

“Tira laba jeer ah ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed naga codsadey in Farmaajo yimaado Hargeysa anagana waan ku celinay,marnaba Soomaaliland ma ogolaaneyso in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeyso ayuu yiri”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in iyagu aysan diidaneyn in uu yimaado Hargeyso,hayeeshee ay ka doonayaan kaliya in uu noqdo Nin Soomaaliyeed oo kamid ah Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dhawaan waxaa Magaalada Addis Ababa wada-hadallo aan weli la shaacin waxyaabihii kasoo baxay ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,waxana sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu Goob fagaaro ah Shacabka Soomaaliland ka raali geliyey duqeyn dhinaca cirka ah oo Dowladii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay ka geysatay Magaalada Hargeysa.