Wararka naga gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in cabsi weyn ay ka jirto Magaalada.
Ciidanka ammaanka ayaa inta badan xiray Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana laga cabsi qabaa in Banaanbaxyo waa weyn ay dhiggaan taageerayaasha Ahlusunna sidda weyn ugu xooggan Magaalada.
Saakay xilli hore Ciidanka Ammaanka ayaa lagu soo wargaliyay in ay socdaan abaabul Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Ciidanka Booliska Magaalada ayaa heegan la galiyay, waxaana sidoo kale xiran qaar ka mid ah Goobaha ganacsiga ee ka agdhow xarunta Madaxtooyadda Galmudug.