Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee maanta oo Khamiis ah Puntland uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Safarkii Madaxweynaha ee dalka Kenya,Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo aragtida Puntland.
Sidoo kale waxa Golaha looga hadlay Xaaladda Gobolada iyo degmooyinka Puntland (Hindisaha Horumarinta Degmooyinka aan ku jirin Mashruuca JPLG-ga) iyo soo jeedinta guddi qiimeeya lacagaha lagu qaado magaca Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa markii Shirkaasi soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay Shirka ayaa sheegay in Puntland ay sameyn doonto baaritaano ku aadan Deeqaha Caalamka.
Waxaa uu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in deeqaha lagu bixiyo Magaca Soomaaliyeed meelo gaar ah la marsiiyo.