Mas’uuliyiin gaartay degmada Beled-Xaawo digniina u direy Kenya

0
481

Wararka laga helayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareey dhamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Gedo ee tageersan Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay degmada Doolow.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo,waxaana ay kala yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka,Doolow,Luuq iyo Yurkud.

Soo dhaweyn loo sameeyey kadib ayaa waxaa ay goob fagaaro ah kula hadleen qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Beled-Xaawo, iyaga oo ka codsadey inay la Shaqeeyaan Maamulka Gobolka Gedo.

Waxaa ay mas’uuliyiinta u sheegeen dadka Shacabka ah in dhamaan Ciidamada jooga degmooyinka Gobolka Gedo ee ah kuwii horey u joogay iyo kuwa hadda yimid,isla markaana aan la arki karin Ciidamo aan ka tirsaneyn dowladda ee hub ku dhex wata Gudaha degmada Beled-Xaawo.

Waxaa ay ku eedeeyeen Dowladda Kenya inay colaad ka hurineyso deegannada Gobolka Gedo,isla markaana ay dooneyso inay iska horkeento Shacabka Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.