Maamulka Gobolka Gedo oo ka shirey Ciidamada la geeyey

0
467

Maamulka Gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Doolow ayaa waxaa ay xarunta degmadaas ku yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlayay xaalada kasoo cusboonaatay Gobolkaas.

Kulanka ayaa arrimaha looga hadlay waxaa kamid ahaa Arrimaha Amniga Degmada iyo Ciidanka Degmada la geeyey iyo kuwii horey ugu sugnaa.

Mas’uuliyiinta degmada Doolow ayaa Shacabka waxaa ay ka dalbadeen inay Maamulka kala Shaqeeyaan sidii la iskaga kaashan lahaa sugida Amniga iyo dardar gelinta Shaqooyinka muhiimka ah.

Qaar kamid ah Bulshada ka qeyb-gashay kulanka ayaa waxaa ay sheegeen inay la Shaqyen doonaan Maamulka,hayeeshee waxaa ay ka digeen in waxyaabo sababi kara khalalaaso inay ka dhacaan degmada Doolow oo Maalin ka hor ay tageen Ciidamo ka tirsan dowladda.