Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Xaafado Ka Tirsan MuqdishoKu dhawaad 30-dhalinyaro ay ayaa la sheegay in lagu qabtay intii uu socday howlgalka islamarkaana qaarkood lasii daayay markii dambe,kadib markii ciidamadu ay kala soceen dhainyarada. Inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa holwgalo noocaan oo kala ah waxaa ka sameeya ciidamada dowladda Soomaaliya,iyada oo taliska booliisku aysan ka hadal howlgalkii xalay ee xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Warta-nabadda.

0
526

Ciidamada ayaa xalay hwlgal waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho waxaana lagu soo waramayaa in howlgalkas uu ahaa mid guryaha ay ku gelayeen ciidmaada samaynayay.

Howlgalka oo ka dhacay xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Warta-nabadda ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dhaliyaro badan kuwaas oo ciidamadu kasoo qabteen meelo kala duwan oo xafadahaas ah.

Ku dhawaad 30-dhalinyaro ay ayaa la sheegay in lagu qabtay intii uu socday howlgalka islamarkaana qaarkood lasii daayay markii dambe,kadib markii ciidamadu ay kala soceen dhainyarada.

Inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa holwgalo noocaan oo kala ah waxaa ka sameeya ciidamada dowladda Soomaaliya,iyada oo taliska booliisku aysan ka hadal howlgalkii xalay ee xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Warta-nabadda.