Faah faahin:-Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
546

Qaraxaan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka dhacay agagaarka Carwadii hore ee Taleex oo ku taalla Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan oo Warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,isla markaana lala eegtay Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa uu ku dhaawacmey Darawalka Gaariga,sidoo kalena uu jiro burbur gaariga soo gaarey,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Muddo saacad ku dhow ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada Taleex ee ka timaada Tarabuunka oo Gaadiid farabadan ay isticmaalan,hayeeshee ay si caadi ah kusoo noqotay.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan,hayeeshee waxaa uu kamid yahay qaraxyada inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.