Dowladda Mareykanka oo Wadahadal ugu baaqday dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyadda

0
476

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dib u heshiisiin iyo wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Safaaradda ayaa  ku boorisay dowladda Federaalka, dhammaan 5 Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Baarlamaanka, iyo saamileyda inay iska kaashadaan sugida amniga in la xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo sanadka 2020/21.

Warka kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli uu xoogeystay Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland.