Wararkii ugu dambeeyay Weerar ka dhacay Boosaaso

0
485

Hal askari ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii kooxo hubeysani ay rasaas ku fureen bartamaha magaaladda Boosaaso.

Kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta mana jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ay ka soo saareen dilka iyo dhaawaca.

Askarta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa ka tirsanaa ciidanka boolis ah oo la shaqeynayey Waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Askariga dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka magaaladda Boosaaso, mana aha markii ugu horeysay ee dil caynkan oo kale ah loo geysto ciidamo ka tirsan Puntland.