Baaq deg deg ah oo laga soo saarey dagaal Beeleedka J/Hoose

0
443

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal beeleed geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhacayay deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana dagaal beeleedkaas laga so saarey baaq Nabadeed.

Xildhibaan Daahir Amniin Jeosow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Beelaha deegaanada,Dalsan iyo Haadweyne ku dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo la isku direy oo laga dhex faa’iideysanayo,hayeeshee uu ku baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Waxaan Baaq Nabadeed u dirayaa walaalaha Soomaliyeed Reer Kismaayo.Beelaha ku Dagaalayo, walaaleyaal Dagaal waa lagu dhintaa, lagu wiil beelaa, hanti badane ku baabadaa ee joojiya dagaalka,Waxaa suurta gal ah in la iskukiin diray oo la dinku Busy gareenayo, meeshaad ka fikiri la heedeen danahiina qaaska ah iyo tan guudba ayuu yiri”Xildhibaan Jeesow.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedka ka dhacay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada kismaayo.