Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa ah Sharciga doorashooyinka oo dhawaan ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka.
Xildhibaananada Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .