Wafdi ka socda Dowladda oo ku wajahan degmada Cabudwaaq

0
473

Maanta ayaa la fiilayaa in degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud inay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Ujeedka Wafdiga ee degmada Cabudwaaq ay u tagayaan ayaa waxaa lagu sheegay inay goobjoog ka noqdaan dhagax dhigga mashruuca dib u dayac tirka guud ee Garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.

Howlaha dib logu dayactirayo garoonka diyaaradaha Cabudwaaq ayaa waxaa la sheegay inay sababi doonto in Garoonka muddo laba bilood ah uu xirnaado,isla markaana aysan jiri doonin wax diyaarad ah ah oo mudadaasi Garoonka ka degi doonta.

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya, iyada oo amniga siwyen loo adkeeyay.