Waxaa kordhay dadka uu soo ridey Cudurka Shuban Biyoodka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka hiiraan,kuwaas oo la sheegay in qarkood ay geeriyoodeen cudurkaas.
Howl-Wadeena Isbitaalka magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in in ka badan 75 Ruux oo isugu jira Carruur iyo dad waaweyn la keenay Isbitaalka,isla markaana qaarkood ay dhinteen qaarna xaaladooda Caafimaad lala tacaalayo.
Dr Cabdi Xaliin Cabdullaahi oo kamid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka baladweyne o Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 73 ruux oo qaba cudurka Shuban biyoodka la keenay Isbitaalka 6 Carruur ah oo kamid ah dadkaasi ay geeriyoodeen, 15 kamid ah isbitaalka laag saarey,hayeeshee ay jiifaan 52 Ruux.
Dhinaca Dr Cabdullaahi Maxamuud Indhoy oo kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Saddex Carruur ah ay Cudurkaan ugu geeriyoodeen deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan halka tuulada Ton kookoy ay Saddex kale ay ku geeriyoodeen,waxaana tirada Guud ee dadka Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyoodey ay gaarayaan 12 Ruux.
Madaxweynaha Maamulka Hi-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta waxaa uu kulan deg deg ah isugu yeeray Hy’adaha Samaflka ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan si gurmad loogu sameeyo dadka uu Cudurka Shuban biyoodka soo ritay.