Dad uu soo ritey Cudurka Shuban biyoodka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhigey Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,dadkaas oo u badan Carruur.
Howl-Wadeenada Caafimaad ee Isbitaalka Magalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Isbitaalka la keenay in ka badan 45 ruux oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn,isla markaana Saddex Carruur ah ay Cudurka Shuban biyoodka u geeriyoodeen.
Sidoo kale Howl-Wadeenada ayaa waxaa ay sheegeen in cudurka Shuban biyoodka uu ka dhashay fatahaada uu dhawaan Wabiga Shabeelle ka sameeyey magaalada Baladweyne,isla markaana ay xaaladooda Caafimaad ay la tacaalayaan 42 ruux.
Inta badan deegaannada uu maro Wabiga ayaa xilliyada uu sameeyo fatahaada waxaa ka dhasah cuduro kala duwan,haba ugu badnaadee Shuban Biyoodka,kaas oo dad ay u geeriyoodaan.