Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ) ayaa sheegay in waddooyinka magaalada muqdisho laga xareenayo xoolaha kala duwan ee dhex socda,kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan lagu qabo.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in xero lagu magacaabo baadi qabad oo loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha wadooyinka caasimadda dhex socda ee dadkii lahaa xanaaneysan waayeen in lagu xareeyo ay dayactir xilligaan ku wadaan.
Waxa uu intasa kudaray hadalkiisa Guddoomiyaha in hadii dhismaha xaruntaasi oo kutaala meel u dhaw kawaan bari la dhamaystiro ay digniin u diri doonaan dadka leh xoolahaasi hadii ay xanaaneysan wayaane laga xarayn doono si ay u soo hagaagto bilicda caasimadda.