Koonfur Galbeed iyo IGAD oo kulan ku yeeshay Nairobi

0
452

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo weli ku sugan Nairobi ayaa kulan la Qaatay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Madaxda kasocotay IGAD Waxay ka wada Hadleen Arimaha Doorashooyinka Dib uheshiisinta iyo Sidii Tababar ay u siin lahayeen Gudiyada Doorashooyinka Maadaama Koonfur Galbeed ay Doorasho kusoo Wajahan tahay Dhawaan.

Waxaa sidoo kale looga hadlay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda iyo Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo uu ka waday kulamo kala duwan.