Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu kala diray masuuliyiintii rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Banaadir.
Ciidanka Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xiray Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen.
